Soplang Logo
Soplang

Conditional Statements

Learn about conditional statements, loops, and other control flow structures in the Soplang programming language.

Conditional Statements

Soplang waxay bixisaa fulin shuruudeed (conditional execution) iyadoo adeegsanaysa erayo Soomaali ah si ay u noqoto mid cad oo muujin leh.

If Statements – haddii, haddii_kale, ugudambeyn

Waxay u dhigmaan if, else if, iyo else luqadaha kale.

if_statements.sop
abn da = 17

haddii (da >= 18) {
  qor("Waad qaan gaadhay")
} haddii_kale (da >= 13) {
  qor("Waxaad tahay dhallinyaro")
} ugudambeyn {
  qor("Waad yar tahay")
}

Block walba waxaa lagu xiraa {}. Waxaad isku xirin ama isku dhex dhigi kartaa (nest) sidaad u baahan tahay.

Boolean Conditions

Adeegso muujiyeyaasha bool iyo operators-ka &&, ||, iyo !.

boolean_conditions.sop
abn x = 4
abn y = 9

haddii (x < y && y < 10) {
  qor("Shuruudaha waa sax")
}

// Negation
haddii (!(x == y)) {
  qor("Qiimuhu ma sina")
}

Summary

KeywordMeaning
haddiiif
haddii_kaleelse if
ugudambeynelse

Control flow ee Soplang wuxuu raacaa qaab akhris-wanaagsan oo Somali-first ah.

Switch-Case – dooro iyo xaalad

Loogu talagalay laanayn cad oo ku saleysan hal qiime: dooro (switch expression), xaalad (case), iyo ugudambeyn (default).

switch_case.sop
qoraal maalinta = "Jimce"

dooro (maalinta) {
  xaalad "Isniin" {
      qor("Todobaad cusub")
  }
  xaalad "Jimce" {
      qor("Waqti nasasho")
  }
  ugudambeyn {
      qor("Maalin kale")
  }
}

Tani waxay ku habboon tahay go'aan-qaadasho leh laamo badan oo ku saleysan qiime go'an.

Combined Usage

Waxaad isku dari kartaa haddii/haddii_kale/ugudambeyn iyo dooro si aad u dhisto logic adag oo weli akhris-wanaagsan.

On this page